HOMEWarka MaantaXog culus

Trump. “Ninkii guuleysta ayaa iska leh qaniimada.”

Madaxweynaha Mareykanka oo isbarbardhigay dagaaladii uu Mareykanku horey usoo galay iyo dagaalada hada uu socda ayaa yidhi. “Dagaaalkii Vietnam wuxuu socday 21 sanadood, waxaa ku naf waayay 60,000 oo qof,

Dagaalkii Ciraaq wuxuu socday 8 sanadood, waxaa ku naf waayay in kabadan 4400 oo qof, Dagaalkii Afgaanistaan wuxuu socday ku dhawaad 20 sanadood, waxaa ku naf waayeen 2500 oo Askari oo Mareykanka ah, wax faa’iido ah oo aan ka helnay dagaaladaas midkoodna ma jirin.””Laakin anniga xaaladeenu way ka duwan tahay, Venezuela waxaan kala soo baxaynaa shidaal qiimihiisu yahay balaayiin iyo balaayiin dollar iyo waxyaabo kale oo badan, dhawaana waxay gaadhi doonaan boqolaal bilyan dollar ah.””

Waxan oo kale cidna waligeed horey uma arag. Waxaana la odhan jirey, qofkii guuleysta ayaa iska leh qaniimada laga helo guushaas, hadaba hogaankeyga darteed, markale ayaad sidaa odhan kartaan.”

“Waxaan wacay Shiinaha iyo Ruushka, waxaan ku idhi, waa inaad ka baxdaan Dalka Venezuela kadib way baxeen, laakin annigu kamaanan bixin.””Iiraan iyada waxaan rabnaa inaan hubino inaan ka gaadhno guul dhameystiran oo aysan noqon guul 93% ah, waxaan rabnaa iney noqoto guul buuxda oo dhameystiran.

“”Wixii aan ka burburinay iney dib u dhisaana waxay ku qaadan doontaa mudo 25 sano ah, waxaana rajaynayaa inaan mardambe ku qasbanaan, inaan wax kale ka burburino dalkooda.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

🟢 0 online