Deg Deg Shir Culus Oo dhexmaray Mucaaradka Iyo Taliyaha Ciidanka Soomaaliya
Golaha Mustaqbalka oo caawa la-shiray Taliyaasha Ciidanka DFS ayaa la-wadaagey; in Madaxweynuhu talada dhexda dhigo lana qabto doorasho heshiis lagu yahay; taliyaasha ayaa dhankooda mucaaridka ku boorriyey in ay dowladda kala shaqeeyaan amniga ayna u midoobaan ka-hortagga walaacyada amni ee jira.Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa fidiyey gogol wada-hadal badhtamaha bishan, kucaaridka ayaa se weli ku adkaysanaya in ay keliya ka qayb-geleyaan wada-hadallo dammaanad leh oo cid kale korjoogto ka tahay.